Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Fariisimo Waawayn oo Alshabaab lahaayeen oo Cagta lamariyay

Wararkii ugu Danbeeyey Fariisimo Waawayn oo Alshabaab lahaayeen oo Cagta lamariyay

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay howl-gallo saacadihii u dambeeyay ay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay howl-gal bur-burin ah ka sameeyeen deegaanada kala ah Farag, Huuyaley, Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor iyo Ceelgaras, oo dhamaantood hoostaga degmada Xudur.

Deegaanadan ayaa ahaa kuwa ay fariismi ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidanka xoogga dalka bur-buriyeen fariisimihii kooxda ay ku lahaayeen deegaanadaas.

Dhinaca kale, Taliye ku-xigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Gaashaanle Yoonis Adan Hassan oo warbaahinta ciidamada qalabka sida la hadlay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan khasaare xoog leh oo kooxda lagu gaarsiiyay howl-galkaan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa guud ahaan gobollada dalka ka wada howl-galo lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah maamulka Koonfur Galbeed uga bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ay dhawaan xooggeeda iskugu geyn doonta Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda, ayada oo sidoo kale uu madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleGudoomiyihii Dhawaan Codkiisa Baahiyeen Alshabaab oo Maantay Maxkamad lasoo Taagay
Next articleWar Deg Deg ah: Maxakamada Stanbul ooo soo Saartay Waaran lagu Soo Xiraayo Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh