Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey ee weerarkii Alshabaab ku Qaadeen Guri ku Yaala ...

Wararkii ugu Danbeeyey ee weerarkii Alshabaab ku Qaadeen Guri ku Yaala Degmada C.Casiis

0

Weerar qarax ku bilowday ayaa goordhaw lagu qaaday guri kuyaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir , waxaana dhismaha gurigaasi ka socda dagaal toos ah.

Sida aan wararka ku helnay dabley hubeesan ayaa gudaha u galay guriga sargaalkan katirsan milatariga, waxaana rasaas laga dhax maqlayaa dhismaha guriga ay galeen raga hubeesan.

Guriga weerarka lagu qaaday oo kuyaalla goob ammaankeeda la adkeeyay ayaa la sheegay in ay yaaleen dhaawacyada rag macawuusley ah oo kusoo dhaawacmay dagaalkii looga soo horjeeday Al Shabaab ee ka dhacay gobolka Hiiraan.

Ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray dhismaha weerarka lagu qaaday , waxa ayna ciidamada isku dayayaan in weerarka soo afjaraan.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug iyo Alshabaab oo Dagaal culus Dhexmaray iyo Dhul hor leh laga saaray
Next articleRuushka oo Hakiyay Heshiiska Nukliyeerka ee Dalka Mareykanka