Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey ee Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday...

Wararkii ugu Danbeeyey ee Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Berbera

0

naga soo gaaraya magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay guri ku dumay qoys deganaa xaafada Barwaaqo ee magaalada Berbera.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dhacdadan, halka laba kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada oo hadda lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inay aheyd haweenay da’ah oo Maamadii guriga aheyd, iyada oo dhaawac culusna uu soo gaadhay gabadh kale, halka inan yarna lasoo bad-baadiyay iyada oo ku neef qabatowday bur-burka.

“Reer jiifa ayuu gurigu ku dumay, waxa laga soo saaray saddex qof, islaan mayd ah, inan yar oo sirirsan iyo gabadh dhaawac aad u culus qabta,” ayuu yiri mid kamid ah goobjoogayaasha ku sugna guriga dumay oo la hadlay warbaahinta gudaha.

“Saddex billood ka hor ayay hablahaasi kasii calaacalayeen guriga hadana saaka qadarka Ilahay ayaa dhacay,” ayuu yiri mid kale oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta, kaasi oo sheegay in guriga uu ahaa mid qadiimi ah, ayna ka walaacsanayeen qoyska deganaa inay dhibaato kasoo gaari karto.

Ciidamada dab-damiska gobolka Togdheer oo iyagu gaaray goobta, ayaa u gurmaday qoyska dhibaatadu soo gaadhay iyaga oo gabadha dhimatay marka laga reebo soo badbaadiyay qoyska intii kale.

“Alle ha unaxariistee Gabadh ayaa ku Geeriyootay, halka laba qof oo kalena ciidamada Dabdemisku ka soo badbaadiyeen dhisme ku soo dumay qoyskii degenaa. Shilkan ayaa ka dhacay degmada Daaroole gaar ahaan xaafada Barwaaqo. Ciidamada Booliska magaalada Berbera, dawlada hoose Berbera iyo dadweynaha ayaa iyaguna hawlgalkaa gacan weyn ka geystay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ciidamada Dab-damiska Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidamada Dab-damiska “Qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxdayna samir iyo iimaan. Alle haw naxariisto.”

Ciidamada Dab-damiska ayaa waxay fariin adag u direen bulshada kala duwan ee reer Somaliland, iyaga oo faray inay ka taxadaraan, islamarkaana dayactiraan dhismayaasha keeni kara halis nafeed, sidoo kale ka feejignaadaan bullaacadaha iyo musqulaha jilicsan ee u nugul inay dumaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleTaliban oo dishay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Daacish
Next articleMidowga Yurub oo Malaayiin Dollar ugu deeday degaanadii dhowaan laga saaray kooxda Al-shabaab