Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo Shalay ka dhacday degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.
Warsaxafaadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu guuleystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Waxaa kale oo ay dowladduu xaqiijisay in duqeyntan lagu dilay illaa 7 xubnood, luguna dhaawacay 4 kale oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida lagu sheegay qoraalka.
“Howlgalka oo ahaa duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka dhawaca uu yahay 4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka,
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in duqeyntaan aysan wax waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Kuntuwaarey ee Shabeelaha Hoose.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka dhanka cirka ah ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ay kordhiyeen howlgallada culus ee ay ku beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.