Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Duqaymaha Gaza oo Galay Maalintii 19naad(Sawiro)

Wararkii Ugu Danbeeyey Duqaymaha Gaza oo Galay Maalintii 19naad(Sawiro)

0

Maalintii 19aad ee dagaalka Gaza, Israa’iil waxay sii waday duqeymaha ay ku hayso dadka rayidka ah iyadoo 700 oo qof ay 24 saac gudahood ku dhinteen magaaladaas, taasoo tirada guud ka dhigaysa 6,546 iyo 17,500 oo dhaawac ah kuwaasoo u badan caruur iyo haween, sida lagu sheegay xogta Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza.

Guutada Al-Qassam ayaa ka jawaabtay duullaanka Israa’iil, waxayna gantaal “Ayash 250” ku soo weerareen magaalada Eilat oo ku taal badda cas una jirta Gaza 220 KM, waxayna sidoo kale ku duqeeyeen magaalada Haifa gantaalka “R-160”.

Daanta Galbeed, xiisadda Israa’iil ayaa sii socotay, iyadoo 6 falastiiniyiin ah ay dileen, 80 kalena la xiray intii ay socdeen howlgallada ay ka wadeen magaalada Jenin iyo xeradeeda.

Iyadoo xaalada bini’aadantinimo ee Qaza ay sii xumaanayso, xaalada nidaamka Caafimaadka iyo isbitaaladana ay ka sii darayaan ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka Gaza iyo in gargaar la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hagayo weerarka Israel ee Gaza.

“Mareykanku waa saaxiib dhab ah oo dambiilayaal ah,” ayuu yiri Khamenei mar uu khudbad ka jeedinayay Tehran. “Maraykanku si uun buu u hagayaa dambiga laga gaysto Gaza”

Khamenei wuxuu intaas ku daray in gacmaha Mareykanka ay ku wasakhoobeen dhiigga kuwa dulman, carruurta, bukaannada, haweenka iyo kuwa kale.

Talaadadii, Maraykanku wuxuu Iran ku eedeeyay “inay si firfircoon u fududeyso” weerarrada gantaallada iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ay kooxaha ay taageerto ku weerareen ciidamada Mareykanka ee Ciraaq iyo Siiriya.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa gantaal rido dheer ku soo riday dhanka dekeda Eilat ee koonfurta Israa’iil oo dhacda gacanka caqaba

Xamaas ayaa sheegtay inay gantaal ku garaacday Eilat, oo ah deked ku taal koonfurta Israel iyo magaalo loo tamashle tago oo ku taal badda cas, oo 220km (136 mayl) u jirta Gaza.

Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel banaan ah. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkan oo u muuqday midkii ugu dheeraa ee Falastiiniyiinta tan iyo 7-dii October.

Weriyaha Aljazeera ee Gaza Wael Dahdouh xaaskiisa, wiilkiisa, Mahmoud iyo inantiisa Sham oo todoba jir ah ayaa ku dhintay duqeyn ay fulisay Israel, iyadoo Xubno kale oo qoyskiisa ah wali la la’yahay.

Qoyskiisa, oo markii hore ku noolaa magaalada Gaza, ayaa ka cararay duqeymaha Israa’iil si ay ula joogaan qaraabadooda xerada Nuseirat.

Dahdouh wuxuu ku haray magaalada Gaza si uu u sii wado faafinta duqeymaha Israel ee marinka Gaza. waxaana loo sheegay in weerar cirka ah lagu beegsaday dhismo lagu burburiyay gurigii ay degganaayeen qoyskiisa.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleSababta magaaladan Maraykanka ku taalla ay u diiddan tahay in Soomaali la soo degto
Next articleJeneraal sheegoow oo Markii ugu Horaysay Mudo uu xirnaa Kadib Maxkamad lasoo Tagaayo