Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dooda Dastuurka Oo Meel Xasaasi ah Maraysa

Wararkii ugu Danbeeyey Dooda Dastuurka Oo Meel Xasaasi ah Maraysa

0

Doodda baarlamaanka Soomaaliya taalla ee la xiriirta dastuurka waxay dhex taagan tahay Cutubka 4-aad. Cutubkani waa midka ugu xasaasin waxaana ku jira isbeddelka haylka dowladnimada oo loola jeedo in laga guuro booska ra’iisul wasaaraha, laguna beddelo madaxweyne ku-xigeen.

Cutubkan ayaa sidoo kale waxaa ku jira hanaanka doorashooyinka iyo dalka uu yeesho laba xisbi. Marka ay dhamaato doodda iyo wax ka beddelka Cutubka 4-aad hal mar ayaa la ansixin doona afarta cutub ee 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.

Codkooda waxa uu noqon doona gacan taag oo dowladda ayaa horey ugu adkaatay in habraaca sidaas laga dhigo. Illaa 100 Xildhibaan ayaa isku diiwaan-gelisay ka hadalka Cutubka 4-aad.

Waxaa jirta dood ku saabsan in la ansixiyo kahor fasaxa bisha Ramadaan ee baarlamaanka ama markii laga soo laabto fasaxa. Villa Somalia waxaa la sheegay inay dooneyso in afarta cutub la ansixiyo kahor fasaxa baarlamaanka.

Wararka qaar waxay sheegayaan inay macquul tahay in 23 bishaan lagu kala baxo meel-marinta afartaasi cutub.

Mucaaradka waxay si weyn u diidan yihiin hanaanka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh rabto inay u dhameystirto dastuurka. Laakiin diidmadooda wax ficil ah lama socdaan mana ka muuqdan wax itaal siyaasadeed ah oo hadal ka badan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uusan baarlamaanka u socon, isaga oo sabab uga dhigay sida ay u meel-mariyeen habraaca loo marayo dhameystirka dastuurka.

Wuxuu ahaa mid kamid ah xubnihii la filaayay inay Xasan Sheekh kula diriri karaan baarlamaanka, laakiin taasi ma dhicin. Shariif Sheekh Axmed dadaalo kooban oo uu sameeyay waxba uma dhalin, halka ay Saciid Cabdullaahi Deni ku adkaatay inuu ka dhex kalluumeysto baarlamaanka, tii oo dhinaca kale jiraan inay wada-hadallo hoose u socdaan Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka ka faalloonaya mowduucan ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkaan doono afartaan cutub, oo baarlamaanka uu heegan u yahay qorshaha Villa Somalia, isaga oo fiirsanaya gunnooyinka dheeriga ah iyo ballan-qaadyada isku shaandheynta.

Mucaaradka si buuxda ayaa loogu dhex jabiyay baarlamaanka, qaarna isma ogola oo qadiyadan diidmadeed shirko kuma ahan. Siyaasiyiinta mucaaradka oo markii hore laga filaayay inay madaxweyne Xasan Sheekh ka hor istaagi karaan qorshihiisa dastuurka ayaa hadda doodda u beddelay xagee lagu dhaqan-gelin doona xitaa haddii la meel-mariyo.

Waa caado soo jireen ah in marwalba ay kooxda tallada haysa ku adag tahay baarlamaanka, laakiin dhinaca kale waxaa la arki jiray mucaarad intaan ka xoog badan oo waxyaabaha qaar gaarsiin jiray heer ay si sax ah umadda ugu soo wada jeesato.

Inkasta oo ay sax yihiin dhamaan dooddaha la xiriira in aan loo dhameyn qorshaha dhameystirka dastuurka, haddana madaxweyne Xasan Sheekh uma muuqdo nin diyaar u ah inuu taas u joojiyo, mucaaradkana uma muuqdan kuwa itaal u leh inay isaga joojiyaan, sidaas awgeed waxaa badi la isku raacsan yahay inay Villa Somalia ku adkaaneyso meel-marinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDal Soomaali badan jecelyihiin inay degaan oo dadkiisu ka cararayaan
Next articleSababta Uu Xasan shiikh Markasta Ugu safra Dalke Eriteria oo La Shaaciyay