Taliye ku-xigeenkii hore ee ciidanka ilaaladda ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa maanta lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.
Xiddigle Xayle Carabay Xiireey ayaa la sheegay in xilliga falka uu dhacay uu ku sugnaa aagga garoonka diyaaradaha, mana jirto wax faah-faahin rasmi ah oo laga helayo dilkiisa.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka sarkaalkan uu hadda yaallo isbitaalka guud ee Garoowe. Halkaas oo sidoo kale maalmihii tegay ay talaagad ku jireen laba askari oo ku dhintay iska hor-imaad doorashada la xiriiray oo ka dhacay isla magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.
Dilka sarkalkaan ayaa yimid xilli ay socotay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu soo afjarayo khilaafka ka dhashay doorashada Puntland, islamarkaana siyaasiyiinta mucaaradka lagu qancinayo inay joojiyaan is hor istaagga ay ku sameynayaan doorashada golaha deegaanka ee Puntland ka dhacay dhacaya 25-ka bishan May.