Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey dilka Loogaystay Nabadoon Muumin Giriig oo Muqdisho lagu dilay

Wararkii Ugu Danbeeyey dilka Loogaystay Nabadoon Muumin Giriig oo Muqdisho lagu dilay

0

Nabadoon caan ah oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada Somalia sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Nabadoon Muumin Cabdi Fiidow (Muumin Giriig) ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa degmada Hodan.

Marxuumka ayaa isla goobta ku qurbaxay, iyadoo kooxihii dilayna la soo sheegayo iney ka baxsadeen goobta markiiba.

Ciidamada amaanka DF ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxayna halkaas ka sameeyeen baaritaano inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada raggii dilka geystay.

Laamaha amaanka iyo Maamulka degmada Hodan ayaan weli ka hadlin dilka nabadoonka oo aysan jirin cid sheegatay inkastoo dilalka noocan ah looga bartay Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCali Abuukar Jimcaale oo Lashabaab Shaqa Culus u Haayay oo Xukun Adag lagu Riday
Next articleBooliska Mareykanka oo heegan la geliyey xilli la filayo in Trump la xiro