Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Deni, Farmaajo iyo Shariif oo shirkoodii ka soo saaray...

Wararkii ugu Danbeeyey Deni, Farmaajo iyo Shariif oo shirkoodii ka soo saaray qodob xasaasi ah

0

War-saxaafadeed ka kooban sagaal qodob ayaa laga soo saaray shirkii wadatashiga ahaa ee magaalada Garoowe uga socday Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Saciid Deni, kaas oo diiradda lagu saaray marxaladda dalka iyo arrimaha siyaasad ahaan la isku haayo, sida dastuurka.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa lagu bogaadiyey bayaankaan, waxaana loogu mahadceliyey ciidanka xoogga dalka, waxay dul istaageen dayac ay sheegeen in ciidanku wajahayo iyo halis soo wajahday midnimada dalka.

“Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay la wadaageen Madaxweynaha Puntland natiijada iyo caqabadaha waanwaantii ay ku jireen ee ku saleysnayd khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Puntland ee arrimaha dastuurka,” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah bayaankaan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran:

Madaxweyneyaashii Hore ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka ambaqaadaya doorka kaga aaddan xoojinta midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliyeed ayaa kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, muddadii u dhexaysey 21-ka Maarso – 23 Maarso 2024.

Labada Madaxweyne oo ka walaacsan saamaynta khilaafka arrimaha dastuurka, xaaladda amni ee dalka, khasaaraha ka dhashay weerarrada uu cadawgu ku beegsanayo ciidammadeenna iyo duruufaha halista ku ah jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxa ay soo saareen qodobbadan:

1. Madaxdu waxay bogaadinayaan dadaallada naf-hurnimada leh ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wajahayaan argagixisada Alshabaab, iyaga oo shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhammaan halyeeyada u shahiiday difaaca dalka.

2. Madaxweyneyaashu waxa ay adkeeyeen dadaalladii muddada soo socday ee lagu bixiyey dib u dhiska Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay dib ugu soo laabato dhabbaha dhismaha ciidanka iyo dib u xoreynta, iyadoo loo dhammeystirayo ciidamada agabka, qorshaha iyo saanadda ay u baahan yihiin si ay u xoreeyaan dalka.

3. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay la wadaageen Madaxweynaha Puntland natiijada iyo caqabadaha waanwaantii ay ku jireen ee ku saleysnayd khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Puntland ee arrimaha dastuurka.

4. Labada Madaxweyne waxa ay ka xun yihiin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka cagajiiday ballantii ku saleysnayd isu soo dhaweynta labada dhinac, taas oo markii hore uu ergo ahaan uga codsaday in ay tagaan Garoowe, kana shaqeeyaan xallinta khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowlada Federaalka ah.

5. Labada Madaxweyne waxa ay sii wadi doonaan dadaalladooda ku aaddan isu soo dhaweynta, wadajirka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed waxayna soo jeedinayaan qabsoomidda shir-wadatashi oo ku aaddan xaaladda adag iyo duruufaha khatarta ah ee ku xeeran midnimada iyo qarannimada dalka.

6. Madaxdu waxay isku afgarteen in la sameeyo guddi qabanqaabo shirwayne wadatashi oo ka shaqeeyaa farsamada iyo qabsoomidda shirka.

7. Labada Madaxweyne waxa ay ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn ee lagu beddelayo dastuurka dalka, kaas oo halis gelinaya dowladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

8. Madaxdu waxay farriin u direen Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo kula dardaarmaya inay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, ayna ka joogsadaan hannaanka aan waafaqsanayn sharciga ee lagu bedelayo dastuurka dalka.

9. Madaxdu waxay uga digayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu kusii socdo dhabbahan qardajeexa ah ee beddelidda dastuurka, waxayna usoo jeedinayaan inuu kusoo laabto jidka sharciga iyo wadar-ogolka, ilaaliyana dastuurka uu isagu u dhaartay.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne waxay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha dowladdiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland soo dhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleFaahfaahin Burcad-badeedii Soomaaliyeed ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Mumbai (Sawirro)
Next articleDowlada Soomaaliya oo Dagaalkii lagu Hoobtay laguna Dilay Taliye liban Golcad oo war Cusub kasoo saartay