Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dekadii Jabuuti Siisay Itoobiya

Wararkii Ugu Danbeeyey Dekadii Jabuuti Siisay Itoobiya

0

Dowladda Jabuuti ayaa weli jawaab la xiriirta dekedda ay u bandhigtay Itoobiya ka sugeyso maamulka Abiy Axmed, si ay u wada-hadlaan, kadibna xal loogu helo xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhexeeyo Addis Ababa iyo Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in Itoobiya ay ka filayaan in ay aqbasho soo jeedintooda ku aaddan adeegsiga dekedda Tojorah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedada ugu weyn oo ay adeegsiga dekedda Tojorah ugu bandhigeen Itoobiya ay tahay, si loo xalliyo xiisaddii ka dhalatay MOU-gii badda ee sababay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Arrintaasi wali miiska ayay saaran tahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Jabuuti.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay haddii Itoobiya ay aqbasho codsiga Jabuuti in ay labada dhinac isla eegi doonaan nooca heshiiska ee ay wada-gali karaan ee la xiriira isticmaalka dekedda ay u bandhigeen.

Arrintan ayaa muunineyso in Jabuuti ay si wayn u daneyneyso arrinta dekedda iyo kala macaamilkeeda Itoobiya, laakiin aamusnaanta Addis Ababa ayaa muujineyso in Abiy uu si adag ugu dhagan tahay heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la galay Somaliland.

Sidoo lale waxaa muuqata in Itoobiyaanka ay ku baraarugsanayeen qorshaha qarsoon ee Jabuuti ka leedahay tallaabadan,  kaas oo ugu dambeyn ay banaanka keentay, kadib markii ay usoo bandhigtay adeegsiga dekedda Tojorah.

Si kastaba, Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleTaliye Asad Diyaano oo Maantay Qaaday Talabadii Igu Horaysay
Next articleGoobo Ganacsi oo ku Yaalay Muqdisho oo Qaraxyo Lagu Burburiyay