Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Shalay iyo Cida lagu wareejinaayo Maxabiistii Shalay la...

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Shalay iyo Cida lagu wareejinaayo Maxabiistii Shalay la qabtay

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Raskambooni oo ahaa Fadeexad Qaran, waxaana hadda 2da dhinac ee Jubbaland & DF ay isku haystaan cida lagu wareejinayo saraakiishii ciidanka DFS hogaaminaysay iyo askartii galay xadka dalka Kenya.

Jubbaland, ayaana doonaysa in dhammaan lagu wareejiyo ciidankii dagaalamay & saraakiishii u sareysay Raskamboni jooga ee DFS, sida lagu arkay baraha bulshada saraakiisha ayaa laga dhigay hubka markii ay xadka galeen, qaarkood oo dhaawacyo kooban qaba ayaana la daweeyey.

DF Soomaaliya, ayaa doonaysa in ciidanka & Askartan la geeyo goob leh garoon diyaaradeed oo dib loogu celiyo magaalada Muqdisho, taas oo ay dadaal badan galinayso.

Dhinaca kale qeyb kamid ah ciidamada xoogga dalka ayaa la xaqiijiyey in dhaawacyadooda saaka loo qaaday magaalada Kismaayo, iyadoo ay jiraan askar cusub oo miyiga u firxaday oo qaarkood cabsi laga qabo in ay kooxaha argagixiso gacanta u galeen.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleXildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo Dhawaan dhaleeceey Xasan Shiikh oo Xil loo magacaabay
Next articleDowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dagaalkii looga adkaaday ee Raaskanbooni