Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay buurta Jeexjeex oo u dhow magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana laga helayaa faahfaahino dheeraad ah khasaaraha dagaalkaas.
Duqeymaha iyo dagaalka tooska ah, waxaa kooxda maanta looga dilay maleeshiyaad badan, sida ay noo sheegeen saraakiishu.
Sidoo kale duqeynta waxaa lagu burburiyey gaadiid dagaal oo Shabaab ay ku heysteen dhulka howdka ah ee deegaanka Caad, sida ay saraakiishu u sheegeen Mudug24.
Caawa waxaa kooxda lagu duqeynayaa Hoobiye, wuxuuna dagaalka ka socda buurta Jeexjeexa galay maalintii shanaad, iyadoo weli aan lagu guuleysan in kooxda laga saaro dhufeysyada ay qoteen.
Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax ayaa maanta sheegay in howlhalka ka socda duleedka Caad lagu dilay ugu yaraan 80 Shabaab ah 48-kii saac ee ugu dambeeyey.
Ciidamada xoogga dalka ee Gorgor, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka hubka qaatay ayaa iska kaashanaya howlgalkaan, waxaana lagu rajo weyn yahay in saacadaha soo socda kooxda laga saaro dhufeysyada ay qoteen.
Al-Shabaab ayaa buurta Jeexjeex isugu keenay dhamaan wixii maleeshiyaad ka joogay gobolka Mudug, si ay u difaacdaan gobolkaas, maadaama hadii laga qabsado Caad ay ka dhigan tahay inay uga dhamaatay Mudug.