Maamulada Galmudug Iyo Puntland oo Maanta Fulin doono qeyb ka mid ah Go,aanadii laga soo saaray Kulamadi dib u Heshiista ay yeeshen Madaxda Galmudug Iyo Puntland
Waxaa Goordhow Furimaha Colaadu ka taagneed gaari doonà Ciidanka isku dhafka Labada Maamul, Madaxda Labada Dowladood Ee Galmudug Iyo Puntland si loo Kala qaado Ciidanka isku Hor-fadhiyey halkaasi Islamarkaana gobtaas loo dajiyo Ciidanka isku dhafka ah inta laga Helayo Heshiis dhab ah oo Miro Dhal unoqan kara Wadada Nolashaha Dadka ku Kala abtirada Beelaha Leylkase iyo Sacad oo in muddaa Colaadoodu ka dhex-taagneed,
Shalay Dagaal kooban ayaa Dhexmaray Labada Beelood kaas oo aan Wax Khasaro ah Gaysan Dagaalo Maalmo Socday oo Dhexmaray ayaa Waxaa Labada Dhinac kaga Dhintay ku dhawaad 50 Ruux iyo Dhaawac Ka Badan 100.