Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Luuq, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka oo u cuslaa ayaa u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan gudaha degmadaas oo ay in muddo ah ay u dhexeysay colaad xoogan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday kadib markii ay is fara saareen maleeshiyaadka labada beelood.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.