Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo mar kale ka dhex-qarxay ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ee ku sugan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay isku horfadhiyeen labada ciidan.
Dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee Axaddii ayaa ka qarxay deegaanka Guumeys ee gobolka Sool, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay saaka dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan aagga deegaanka guumeys oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.
Dadka ayaa dhankooda cabsi ka muujinayo in dagaalka uu sii laba qarxo, kuna fido deegaanno horleh oo ka tirsan gobolka Sool.
Dhowaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku dagaalamay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay weli ay ka taagan tahay xiisad culus, waxaana haatan furin kale ay kasoo baxday aaga gobolka Sool.
SSC ayaa haatan dadaal xoogleh ku bixineyso, sidii ay u qabsan lahayd deegaannada ay sheegtay inay ka maqan yihiin oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Somaliland.
Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay