Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Maalintii 8aad Galay oo Marakle Kasocda Laasacanoood

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Maalintii 8aad Galay oo Marakle Kasocda Laasacanoood

0

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa weli ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo galay maalintii 8-aad, ayadoona uu kordhay khasaaraha.

Dagaalka oo ah mid xoogan, isla-markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn ku yeeshay dadka rayid ah oo isaga barakacay guryahooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada, waxayna isku dhaceen maleeshiyaadka dadka deegaanka.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo koonfurta Laascaanood, isla-markaana uu kusii fidiyo meelo ka baxsan magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socota duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiin lagu garaacayo xaafado ka tirsan magaaladaasi, taas oo kordhisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegtay in khasaaraha in tirada dhimashada ay korortay, ayna  kor u dhaaftay iillaa 100 qof, dhaawacana uu ka badan yahay.

Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay helayaan gurmadyo xoogan, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka jirta halkaasi.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo.

Si kastaba, labada dhinac ayaa horay u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay xabad joojinta, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay mid ku kooban afka baarkiisa.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleShan mucjiso oo lagu arkay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya
Next articleElon Musk oo Sabab Yaab leh oo hadal hayn Dhalisay Shaqada ugu Cayriyay Mid Kamid Ah Injineerada Twitterka