Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Dagaal Ka dhacay Duleedka Dhuusamareeb oo Xoogaystay

Wararkii Ugu danbeeyey Dagaal Ka dhacay Duleedka Dhuusamareeb oo Xoogaystay

0

Dagaal Saakay Ka qarxay Magaalo lagu magaabo Bidhaan Dheer oo U dhaxaysa Dhuusamareeb Iyo Gadoon ayaa Lasoo Sheegayaa inuu Xoogaystay Dagaalkaan oo U dhaxeeya Laba Beelood oo Walaalo ah kana Wada tirsan Beesha Cayr ayaa Haatan Kasoconaaya Duleedka Dhuusamareeb.

Dagaalkaan uu U dhaxeeya Beesha Cabsiiye iyo Yabardhabrkace ayaa Bilowday Kadib Markii Labadaan Beelood isku qabsadeen Dhulku yaala Duleedka Dhuusamareeb Dagaalkii kowaad ayaa Ku dhinteen Laba Qof.

intaas kadib Booliska Dhuusamareeb iyo nabadoono ayaa Ku baxay ayagoo isku dayay inay Xaliyaan Nasiib Daro Mid kamid ah Nabadoonadii ayaa Ku geeriyooday Kadib Markii rasaas ooda looga Qaaday.

Nabadoon Cabdiwali Dahi Tooxoow ayaa Markii Hore Ku dhaawacmay Lugta Waxaana Go’ay Halbowle Taas oo sababtay Inuu Ugeeeriyoodo Dhiigbax Dartiis.

Dhimashada Nabadoonka Kadib Waxaa Xoogaystay Dagaalkii oo ilaa Haatan la xaqiijiyay inay gaartay ilaa 6 dhimasho ah iyo 15 dhaawac ah Sidoo kale Gadiid ay wateen Ciidamada maamulka galmudug ayaa La xaqiijiyay in Khasaaro soo gaaro kadib Markii Rasaas lala Dhacay.

Galmudug ayaa maantay marti galinayso dagaalo beeleedyo Kasocda Gooba kala Duwan kuwaas oo U dhaxeeya Beelo Waalaalo ah oo wada daga galmudug gaar ahaan Galgaduud.

Ad
Previous articleSuuqa Boosaaso oo Maalintii Labaad Xiran Kadib Markii………
Next articleMuslimo Cali: ‘Hal saac ayaan ka sii maqnaa, markii an soo noqdayna waxaa u imid iyaga oo gubtay’