Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Saakay Kasocd Laasacaanood

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Saakay Kasocd Laasacaanood

0

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa maanta dib uga qarxay dagaal xooggan, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Dagaalkan ayaa saaka ka socda aagga bari ee magaalada Laascaanood, ayada oo durba lagu eedeeyay xukuumadda Somaliland inay soo qaadeen weerarka.

Hoggaanka SSC oo bayaan kooban soo saaray ayaa Somaliland ku eedeeyay inay weerar kusoo qaaday, iyaga oo adeegsanaya madaafiic iyo tikniko culus.

“Maleeshiyada maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ayaa weerar xoogan ku soo qaaday  magaalada Laascaanood, iyaga oo adeegsanaya madaafiicda iyo tikniko, maleeshiyada Muuse Biixi ayaa weeraradan  qorsheysan ka soo qaaday duleedka bari iyo galbeed ee Laascaanood,” ayaa lagu yiri bayaanka SSC.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Shacabka SSC-Khaatumo iyo ciidankooda ayaa jilbaha u aasay, dibna ugu celiyay maleeshiyada soo duushay meelihii ay markii hore weerarka ka soo qaadeen.”

SSC-Khaatumo ayaa durba guul ka sheegatay dagaalka saaka dib u qarxay, kaasi oo illaa hadda socda, iyada oo sheegtay in ciidanka Somaliland laga qabtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal, sida lagu sheegay bayaanka SSC.

“Shacabka SSC-Khaatumo iyo maamulkoodu waxay heegan u yihiin sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba uga difaaci lahaayeen, islamarkaana maleeshiyada Somaliland deegaankooda uga sifayn lahaayeen,” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Marka laga yimaado sheegada SSC-Khaatumo, lama oga weli khasaaraha dhabta ah ee dagaalka saaka dib uga qarxay Laascaanood, kaasi oo si gaaar ah uga socda dhinaca Maraaga ee magaalada, oo ciidamada Somaliland ay saldhig ku leeyihiin.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo la xiriira dagaalka saaka iyo sheegashada SSC-Khaatumo, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo aadan war-murtiyeed kasoo saaran xaaladda.

Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid kacsan, waxaana ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, ayada oo fashilmeen isku-dayo dhowr ah oo la rabay in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan halkaas.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleMuxuu Putin ka yiri geerida Hoogaamiyihii Calooshood ushaqastayaasha ee Yevgeny Prigozhin?
Next articleTrump oo Xabsiga Laga Sii Daayay kadib Markii Saacado kooban uu Xirnaa iyo Sababta oo la shaaciyay