Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo maalintii labaad oo xiriir ah ka socda bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in mararka qaarkood ay soo dhacayaan madaafiic, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.
Milatariga Somaliland ayaa la sheegay inay dagaalka soo qaadeen, waxaana iska caabin ay kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalkan ayaa soo billowday shalay, wuxuuna soo gaaray illaa xalay, kaas oo ay barbar socotay duqeyn lagu garaacay bartamaha magaalada oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac,
Cabdulqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo kamid ah golaha Hoggaanka SSC ayaa BBC-da uga warramay xaaladda Laascaanood iyo dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi.
Waxa uu sheegay un duulaanka uu soo qaaday madaxweyne Muuse Biixi, isla-markaana madaafiic la eegtay goobaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah.
“Wuxuu ahaa weerar uu soo qaaday Muuse Biixi , dagaalkuna wuxuu ahaa dagaal uu isagu soo qaaday markii madaafiic ayuu magaalada la dhacay dhinac walba waa kala dhacyay uma tirin goobaha bulshada, kuwa qaaska ah iyo kuwa caamka ah” ayuu yiri Xaaji Diiriye.
Sidoo kale wuxuu shaaciyay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo uu mid kamid ahaa askari ka tirsan SSC-Khaatuma, halka 4 kalena ay ahaayeen dad rayid ah.
“Annaga hal askari ayaa naga shahiiday Allaha u naxariisto, laakiin dad shacab ah oo afar ayuu dilay oo maadfiicdii ku laayay, kuwaas oo uu jiro oday waayeel ah” ayuu raaciyay.