Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo baqranimadii maanta ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaaladaas.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay isku qabteen muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, kadibna uu sidaas ku qarxay iska hor imaadka.
Wuxuu dagaalka xoogiisa ka dhacay dhanka xiga xeebta, sida laga arki arko muqaallo iyo sawirro laga soo qaaday goobta dagaalka, kuwaas oo lagu baahiyay baraha bulshada.
Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan dagaalka ka dhacay Marka.
Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa lagu soo warramayaa in weli laga dareemayo magaalada, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan labada dhinac ee dagaalamay.