Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka dhacay Magaalada ceerigaabo

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka dhacay Magaalada ceerigaabo

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex-maray gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac uu iska hor imaad ku dhex-maray bartamaha magaalada, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama ay ahayd xilli habeen ah.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan dagaalka xalay ku dhex-maray magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta loo jeediyay ee xiisadda ka abuurtay halkaasi

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Si adag ugu Hanjabtay Soomaali Itoobiyaan La shaqaynaysa
Next articleCaalamka oo si Layaab leh uga Falceliyay Jabka Gaaray Bishaar Al Asad