Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray koox Shabaab ah oo la sheegay inay doonayeen inay soo weeraraan degmada Xarardheere.
Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen kooxda, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xubnaha ay ka dileen kooxda ay ku jiraan kuwo ajaanib ah, isla markaana dagaalkaas uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Mudug ay ku galaan Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa jira khasaare culus oo soo gaaray ciidamada deegaanka, waxaana magaalada Xarardheere la keenay meydad iyo dhaawacyo badan, sida ay Mudug24 u sheegeen dad ku sugan Xarardheere.
Labo urur oo ka tirsan ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah ciidamada Shabaab ka difaacaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, welina waxaa jirta ciidan yari, maadaama halkaas ay Al-Shabaab isugu geeyeen awoodooda, isla markaana ay doonayaan inay qabsadaan magaalada.