Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Alshababa Isaga Dileen 40 qof oo...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Alshababa Isaga Dileen 40 qof oo Dhacay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Baay oo hoostaga Koonfur Galbeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldhuun-Adeegow oo qiyaastii 42-km waqooyi galbeed ka xiga magaalada Baydhaba.

Sida uu shaaciyay Telefishinka Koonfur Galbeed dagaalka ayaa salka ku hayay muran dhaqaalaha ay Al shabaab ka qaadaan dadka shacabka ah ee loo yaqaano Zakawaat.

Xubnaha dagaalamay ayaa waxaa soo kala dhex-galay isfaham-waa xoogan, kaas oo keenay inay wada dagaalamaan maleeshiyaadka kooxda dhexdeeda.

Inta la xaqiijiyay illaa afartameeyo ka tirsan Khawaarijta ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, waxaana ku jiro rag amiiro ah oo magac ku lahaa deegaanka Ceeldhuun-Adeegow ee gobolka Baay.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in weli ay xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana dhinacyada dagaalamay ay abaabul ka wadaan aagga deegaanka Ceeldhuun-Adeegow.

Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleSacuudiga iyo soomaaliya oo Maantay kala saxiixday Heshiis Tariikhi ah
Next articleAlshabaab Damacsanaa inay Farsamo Yaableh Muqdishu Qaraxyo kusoo Galiyaan oo La fashiliyay