Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo isaga Baxay Degmada Ceelbuur

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Dowlada oo isaga Baxay Degmada Ceelbuur

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi isaga baxeen saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidamada oo Jimcihii la wareegay degmada Ceelbuur ayaa shalay gelinkii dambe isaga baxay degmada , waxa ayna u ruqaansadeen dhinaca degmada Curiceel, waxaana lasoo sheegayaa in ay ciidanka joogaan deegaanno u dhaxeeya Ceelbuur iyo Guriceel.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in lagu amray in ciidanka kasoo saaraan degmada Ceelbuur, kaddib markii ciidankii kale ee dowladda ka baxeen degmooyinka Galcad, Ceeldheer ,Bud-bud iyo Masagaway oo dhammaan katirsan Galgaduud.

Ciidamada oo dhibaato badan ka maray qabsashada Ceelbuur iyo degmooyinka kale ee gobolka Galgaduud ayaa si fudud oo dagaal laáan ah goobahaasi uga baxay, waxaana loo sababeenayaa khilaaf ka dhax jira taliska ciidanka iyo wasaarradda gaashaandhigga.

Ka bixitaanka ciidanka deegaannadii ay la wareegeen ayaa timid kaddib markii weerar xooggan oo Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowsweyne ay ku dileen askar badan oo katirsan milatariga Soomaaliya, sidoo kale ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan

Maxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci

Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad
Ad
Previous articleRaysulwasaare Xamse Cabdi Barre oo goordhow gaaray Aadanyabaal
Next articleFaahfaahin Xogta Tagista Degdega ah ee Raysulwasaare Xamse ku Tagay aadanyabaal