Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wararkii Ugu Danbeeyey Baydhabo oo lagu Qaaday Weerar Qaraxyo ah

Wararkii Ugu Danbeeyey Baydhabo oo lagu Qaaday Weerar Qaraxyo ah

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo xalay Al-Shabaab ay ka gaysatay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa bambaano ayaa waxaa lagu weeraray laba guri oo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Labo sarkaal oo la weeraray guryahooda ayaa ka maqnaa xaafadda xilliga uu dhacayay weerarka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dad ehello ah oo ku sugnaa guryaha la beegsaday ay waxyeelo soo gaartay iyo qaar kamid ah ilaalada saraakiishaasi.

Kooxda weerarka fulisay ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay baxsatay, waxaana haatan Baydhaba ka socda saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegtay in bartilmaameedkeeda uu u dhacay sidii ay qorsheysay, maadaama ay weerareen guryo ay daganaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, laakiin waxaa soconayo howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu baadi goobayo raggii weerarka ka gaystay halkaasi.

Baydhaba ayaa waxaa habeennadii lasoo dhaafay weeraro ka gaysaneysay Baydhaba, waxaana dhowaan ay madaafiic ku gaaracday garoonka Shaati Gaduud ee magaaladaasi.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleMarkabkii Shidaalka ka Qodi lahaa Soomaaliya oo Soo Wajahan iyo Xiliga U imanaayo
Next articleSSC Khaatumo iyo Soomaaliland oo Qarka usaaran Dagaal Xili Xalay Dagaal ka dhacay ceerigaabo