Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Arbacadii xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray agagaarka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaasi oo saacado badan qaatay.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel Meegaag oo hoostaga magaaladaasi, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ku sugan deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha dagaalamay ay kala hoggaaminayeen laba sarkaal oo lagu kala magacaabo Abuu Cubeyda iyo Xasan Cabdullaahi Cabdulle, kuwaasi oo uu soo kala dhex-galay khilaaf culus oo sababay inay isku fara saaraan duleedka Ceelbuur.
Labadaan nin oo ah horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa kasoo kala jeeda deegaana Ceel Garas iyo Galhareere ee gobolka Galgaduud, sida aan xogta ku helnay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray inay isku qabteen arrimo la xiriira difaacidda magaalada Ceelbuur oo ay haatan kusii dhawaanayaan ciidamada huwanta ah.
Mid kamid ah labada nin ee dagaalamay ayaa soo jeediyay in magaalada aan laga bixin ee lala dagaalamo ciidamada dowladda, halka kan kalena uu diiday arrintaasi, isaga oo sheegay inay halis uga imaan karto gulufka culus ee hataan ku wajahan gudaha magaaladaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan dagaalkaasi, mana cadda inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada garab ee wada dagaalamay.