Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab Ku Sugnaa Galmudug oo Duqayn lagu laayay

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab Ku Sugnaa Galmudug oo Duqayn lagu laayay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi.

Duqeymaha oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lagu garaacay goobo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Deegaanada la duqeeyay ayaa dhaca dhulka Caragaduudka ah ee ku yaalla inta u dhaxeysa Mesagawey, Baraag Sheikh Caamir, illaa Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo maleeshiyo ah, kuwaas oo lala beegsaday duqeynta.

Illaa 6 gantaal ayaa lasoo wariyay inay ku dhaceen aaggaasi, waxaana jira khasaare xoogleh oo Al-Shabaab kasoo gaaray duqeynta.

Dhinaca kale qoraal kooban oo uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxa uu ku sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay kooxda.

“Khawaarijtii Caawa aaga Galgaduud qumbulado Jahannami ah ayaa ku wada dhacaaya! Ducadu waa xagiina.Geeshkayagoow Guuleysta” ayuu yiri wasiirku.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka cirka ah ee lagula beegsaday gobolka Galgaduud.

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga
Ad
Previous articleShirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Axmed Madoobe Dartiis u Furmi la
Next articleShirka Golaha Wadatashi Qaran oo Maantay Hakad Ku jira Iyo Dadaalo Socda Wali