Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab Farabadan oo Halmar Hal Goob Lagu laayay

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab Farabadan oo Halmar Hal Goob Lagu laayay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo Jimcihii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu laayay xubno badan Al-Shabaab ahaa.

Howlgalka oo ay fulisay guutada 7-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiya waxaa howlgalka lagu dilay illaa 24 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay 30 kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa la gubay inta uu howlgalka socday gaari caasi ah oo ay lahayd kooxda,kaas oo goobta ku basbeelay.

“In kabadan 24 dhagarqabe ayaa Khawaarijta halkaasi looga dilay iyo dhaawaca tiro kabadan 30 dhagarqabe, waxaana laga gubay Gaari caasi ah, iyaggoo ka cararay boorso ay ku jireen Daawooyin” ayaa lagu yiri qoraal ay shaacisay Warbaahinta Codka Ciidamada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maydadka xubnaha laga dilay kooxda ay horay usii qaadatay, isla markaana ay gaysay deegaanada Buulo Madiino iyo Cumar Beyre, si halkaasi ay ugu aasaan.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay sida xoogan uga socdaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada gobolkaasi.

Sirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.

Gudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof iyo Cad ee Dowladaha Hoose

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota. Guddoomiyaha

Dowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu dilay

Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee
Ad
Previous articleGanacsade Diiday inuu Furo Camerada CCTV oo Lagu Dilay Muqdisho
Next articleMaraykanka oo Duqayn La Dhacay Xuutiyiinta Yaman