Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey 4 Qof oo Goordhoow Camerada CCTV Darteed Muqdisho loogu...

Wararkii Ugu Danbeeyey 4 Qof oo Goordhoow Camerada CCTV Darteed Muqdisho loogu Dilay

0

Dugsiga Dhaqan Celinta ee Al Ansaar  oo ku Yaala Degmada Dharkeenleey ayaa Goordhow lagu dhex Toogtay Macalin iyo Wiil ka shaqaynaayay Xaruntaan.

Macalinka Iyo Wiilka la Dilay ayaa Xiraayay Camerada CCTV oo ku Dhextaal Xarunta Dhaqan Celinta Al Ansaar Taas oo Maalmihii Lasoo dhaafay ciladaysanayd.

Laba Nin oo Bastoolado ku Hubaysan ayaa Gudaha Xarunta Soo Galay Kuwaas oo Toogtay Macalinka Iyo Wiilka La Shaqaynaayay.

Raga Dilka gaystay ayaana Goobta Ka Baxsaday Durbadiiba.

Dhanka kale Laba Kaalin Shidaal oo ku Yaal Xaafada Carafaat ayaa La Xaqiijiyay in Goordhow Laba nin oo Gadaysay la Toogatay.

Labada Nin ee la Bartilmaameedsaday aya La Xaqiijiyay in Mid Geeriyooday Halka Kan kalana Asagoo Dhaawac ah uu baxsaday.

Sidoo kale Raga Dilka Gaystay ayaa Goobta Ka baxsaday Dowlada Soomaaliya Ayaa Ku Fashilantay Inay Raga Dilka Gaysanaaya Soo Qabtaan kuwaas oo Camerada CCTVda Darteed loo beegsabaayo.

Ad
Previous articleShirka Golaha Wadatashi Qaran oo Dib uga Furmaayo Muqdisho Yaa Maqnaan Doona?
Next articleDowlada Shisheeye oo Soo Faragalisay Khilaafka Axmed Madoobe iyo Xasan Shiikh