Weerarrada ay si wadajir ah u wadaan Maraykanka iyo Israa’iil ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, iyadoo duqeymo laga fulinayo meelo kala duwan oo dalka ka tirsan, gaar ahaan caasimadda Tehran.
Xalay sidoo kale waxaa mar kale la maqlayey qaraxyo xooggan, kuwaas oo daba socda duqeymo culus oo shalay ka dhacay Tehran, gaar ahaan xarumo amni iyo goobaha ciidamada. Saldhig boolis oo ku yaalla bartamaha magaalada, agagaarka Enqelab Square, ayaa la sheegay in si toos ah loo beegsaday.
Duqeymo kale ayaa laga soo sheegay magaalooyinka Isfahan, Qom iyo Urmia, taas oo muujinaysa in weerarradu ku fidayaan gobollo kala duwan, isla markaana ay sii xoogeysanayaan.
Dhanka kale, Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) ayaa ku hanjabtay inay si adag uga aargoosan doonto weerarradan. Waxay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in la xiray marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, iyagoo intaa ku daray in in ka badan 10 markab oo shidaal sida oo isku dayay inay u soo dhowaadaan halkaas la beegsaday.
Xiritaanka marin-biyoodkan ayaa saameyn weyn ku yeelan kara dhaqaalaha caalamka, maadaama uu yahay waddo muhiim ah oo ay maraan maraakiibta shidaalka ee ka baxa Bariga Dhexe.
Guud ahaan dalka, waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo tirada sii badaneysa ee khasaaraha, gaar ahaan dadka rayidka ah. Wararka la helayo waxay sheegayaan in ku dhowaad 800 qof la dilay, halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha socda. Dad badan ayaa ka cabsi qaba in dagaalku sii fido oo uu sababo burbur iyo barakac hor leh.



