Waxaa maalintii saddexaad xiran waddooyinka gala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen ciidamo careysan oo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan halkaasi.
Ciidamada ayaa hakiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqa waddooyinkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay dadka safraya iyo gaadiideyda.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyey xaaladda guud, wuxuuna sheegay in waddada ay ka xiran tahay laamiga soo aada Muqdisho iyo dhanka jidka gala Hobyo, halkaas oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dadweyne fara badan.
“Waddada laamiga ah oo Muqdisho soo aada halkaa bey ka xiran tahay, mida kale waddada aada dhanka Hobyo meel 8 KM u jira garoonka ayey ka xiran tahay,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in arrintaan oo soo taagneyd maalmihii u dambeeyey, kadib ay kordheen dhaq-dhaqaaqyada ay sameynayaan ciidamadaasi.
“Saaka nasiib darro ayey ku tahay 16 sanno, kadib in la sheego in waddo go’an tahay gaadiidka oo xanibay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.
“Intaas oo culeys ah oo jirta iyo waxa la raadinaayo wax isku dhigma ma’aha in waddada loo xiro xubin hebelo iyo xubin heblaa rabnaa raadineynaa munaasabad ma aha,” ayuu yiri.
Si kastaba, waxaan haatan soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda, si loo soo afjaro dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo xiisadda ka taagan halkaasi.