Home Wararka Maanta Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka oo weerar qorsheysnaa ku qaaday fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Biya cadle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka u jeedkiisu uu ahaa ka hortaga dhaqdhaaqyo dagaal oo ay halkaadi ka wadeen Al-shabaab.

Waxaa lasoo warinaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba ka dhashqy dagaalka, hayeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah.

Mudooyinkii dambe waxaa si weyn u soo kordhaayay weerarka ciidanka deegaanka ay ka geysanayaan qaar ka mid ah deegaanada ay ku sugan yihiin Ururka Al-shabaab.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidanka deegaanka weerar khaasaare lagu gaarsiiyay kooxda ay kasoo fuliyeen magaalada Ceelbuur oo ka mid ah talisyada ugu waa weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin gudaha dalka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ad
Previous articleXamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab
Next articleDagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo