– Kuma shaqeeyaan Iswidhan sida ku cad heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed, Linde ayaa sidaas ku sheegtay shir jaraa’id oo ay ku qabatay Stockholm Talaadadii.
Masaafurinta dadkan ayaa timid kadib markii dad badan oo rayid ah lagu dilay magaalada Butsja oo waxyar ka baxsan Kyiv maalmo kadib markii askarta Ruushka ay isaga baxeen deegaankaasi.
Horaantii Talaadadii, Denmark ayaa ku dhawaaqday inay dalkeeda ka ceyrisay 15 dublamaasi oo Ruush ah oo lagu eedeeyay inay ahaayeen saraakiil sirdoon. Waxay haysteen laba toddobaad inay dalka ka baxaan.
Habeenimadii isniinta ayuu Linde sheegay in maamulka Sweden ay ka fikirayaan sidii ay dalka uga saari lahaayeen dublamaasiyiinta Ruushka, balse uu sidoo kale wadanku doonayo in safaaradda Sweden ay ku sii haysato magaalada Moscow.