Home Wararka Somaliya Somaliland WAR DEG DEG: Madaxweynaha Somaliland oo muddo kordhin loo sameeyey

WAR DEG DEG: Madaxweynaha Somaliland oo muddo kordhin loo sameeyey

0

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo kordhin horleh u sameeyey madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Golaha ayaa laba sano oo dheeri ah ugu daray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kadib codeyn gacan taag ah oo ka dhacday xarunta Guurtida Somaliland.

Sidoo kale Golaha Guurtada Somaliland ayaa iyaguna ku darsaday muddo xileedkooda 5 sano oo dheeri ah, waxaana golahan uu yahay kii u horreeyey, mana jiro isbeddel lagu sameeyey tan iyo markii la dhisay, waxaana markastaa loo kordhiyaa muddada xil heynta,

Kulankan oo aad isha loogu hayey ayaa markii hore loo diiday wariyeyaasha, balse dood dheer kadib ayaa loo ogolaaday, waxaana lagu dhowaaqay muddo kordhinta cusub.

Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa aheyd mid la filayey, waxayna ku soo aaday, xilii todobaadkii hore guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqay in uusan  xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna baahan yahay ugu yaraan 9 biloodoo dheeraad ah.

Lama oga sida ay noqon doonto fal-celina xisbiyada mucaaradka oo si weyn uga soo horjeeday muddada kororsigan, kuwaas oo hore dibad-baxyouga dhigay Somaliland.

Ad
Previous articleAjaaniib ka mid noqotay dadkii ay Al-Shabaab ku laayeen ceelbiyoodkii gobolka GEDO
Next articleAlshabaab oo Dib ulawareegay Degaanka Moqokori iyo Degaano kale oo dhawaaan Laga saaray