Home Wararka Maanta WAR DEG DEG: Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii culimada

WAR DEG DEG: Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii culimada

0

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo laga soo saaray go’aano ay ugu weyn tahay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay culimada ku qeexeen “Jihaad”, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay “Shahiid”. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka kasoo baxay shirka culimada.

WARMURTIYEEDKA SHIRWEYNAHA CULIMADA SOOMAALIYEED

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaalada Muqdisho 23 – 26 Jannaayo 2023 ayaa waxaa si rasmi ah u furay 23 Jannaayo 2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo shirka ka jeediyay khudbad faahfaahsan oo uu kaga hadlay arrimaha diinta iyo Dawladda iyo dagaalka ay dowladiisu oo shacabka garabsaneysa ay kula jirto Khawaarijta Alshabaab isaga oo hoosta ka xariiqay sidii diinteenna suubBan looga ilaalin lahaa xadgudubyada ku dhisan aragtiyo gurracan iyo fasiraado aan meelna kasoo gelin diinta Islaamka.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxaa taabbagelisay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee X.F.S. oo fulinaysay ballanqaadka siyaasadeed iyo aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ciribtirka fikirka Khawaarijta ee kooxaha Argagixisada isaga oo uu madaxweynuhu ka dalbaday Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo mideysan in ay caddeeyaan waxa diinta Islaamku ka qabto Khawaarijta iyo fikirkooda huwan magaca diinta Islaamka.
Shirka waxaa ka soo qeybgalay Culimada Soomaaliyeed oo ka kala timid daafaha dunida, caasimadda Muqdisho, iyo gobollada Dalka iyaga oo si mas’uuliyada ku dheehan tahay uga soo jawaabay casumaad rasmi ah ee ay u dirtay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee X.F.S.

8. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ka ambaqaadaya in diintu ay tahay arrin si isku mid ah u taabanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu caddeynayaa in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka isla markaasna waxaan isku raacnay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta.

9. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay billowdo iyada oo si degdeg ah u dhammeystireysa diyaarinta hannaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed oo noqonaya weelkii lagu ilaalin lahaa diinta isla markaasna ka mid noqonaya Goleyaasha Dawladda una madaxbannaan gudashada waajibaadka iyo hawlaha loo igmaday.

10. Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqay in Ummadda Soomaaliyeed ay tahay shacab sunni ah marka laga reebo kooxaha khawaarijta ah iyo kuwa la midka ah (Alshabaab, Daacish, Shiico, iyo kuwa Ummadda si guud u gaaleysiiya) kuwaas oo aan la oggoleyn in fikirkooda lagu faafiyo gayiga Soomaaliyeed

ee isticmaala Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook, TikTok iyo kuwa la mid ah in ay ilaaliyaan anshaxa guud ee Islaamka kana fogaadaan aflagaadda, cayda, been-abuurka, sumcad-dilka, baahinta sawirada iyo muuqaallada qaawan ama la been-abuuray iyo waxyaabaha kale ee aysan oggoleyn diinta Islaamka iyaga oo ku raadinaya soo- jiidashada dadka, baad lacag looga doonayo siyaasiyiinta ama ganacsatada, ama shakhsiyaad kale oo magac leh.

Gebogebo

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku baaqayaa in dhammaan Alle loo wada noqdo Dalkana Alle loo baryo. Hala badiyo baryada Ilaahay hana lagu wada dadaalo in uu Alle nooga dhigo Dalka mid xasilloon oo barwaaqo ah.

Ad
Previous articleMaxkamad ku taalla Kenya oo diblomaasi ku heshay dambi dil ah
Next articleSarkaal ka Mid ahaa Saraakiiishii Qabtay Magalada Xarardheere oo geeriyooday kadib Dagaal qaraar oo Dhacay