Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Wariye Cali nur Salaad oo Lasoo Daayay

War Deg Deg ah:Wariye Cali nur Salaad oo Lasoo Daayay

0

Wariye Cali Nuur Salaad oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa magaalada Muqdisho ayaa goordhaw xorriyadiisa dib u helay kadib dadaalo aan kala joogsi lahayn oo intooda ugu badan ay wadeen bahda Saxaafadda.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa xiray weriye AliNur Salaad, oo kamid ah saxafiyiinta Rug-cadaaga ah ee ka howlgala Muqdisho.

Booliska ayaa Xarigiisa ku sheegay anshax xumo iyo been abuur, balse sida aan xog ku helay waxaa lagu heestaa war uu baahiyay oo ku saabsan saameenta uu ciidanka ku leeyahay qaadka xiliga ay joogaan furimaha dagaalka iyo qaadka dalka la keeno oo ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin sare oo dowladda katirsan.

Weriyaha ayaa muuqaalkiisa ku yiri “goob kasta oo ay ciidanka joogaan waxaa laga helaa qaad xataa goobaha cusub ee la qabto, marka ay cunaan arroorta hore xiliga ay hurdayaan ayaa lasoo weeraraa waana la-laayaa, haddiiba uu qaadka dhibkaas leeyahay ayna ka ganacsanayaan madaxa qaranka soo dambi maahan?”

Saxafiyiinta Muqdisho ayaa wajahaya culees gaar ah muddooyinkii lasoo dhaafay waxaana kordhay Xarigga iyo caga juglaynta uga imaaneysa hay’adaha amniga dalka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWar Cusub oo Kasoo Kordhay Xasaanad Ka Xayuubintii Xildhibaan abiib
Next articleP.M Xamse Cabdi Barre oo Goordhow Magacaabay Wasiiro Cusub