Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Raysulwasare ku xigeenka Labaad ee Soomaaliya oo la Magaacaabay

War Deg Deg ah:Raysulwasare ku xigeenka Labaad ee Soomaaliya oo la Magaacaabay

0

Abdisalan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka labaad ee XFS.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Ra’iisul Wasaare kuxigeen labaad, kaddib Dowladdii KMG.

Muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen, taasoo meesha ka saartay Ra’iisul Wasaare kuxigeenadii saddexda ahaa ee Xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Sidoo kale

Cilmi Maxamuud Nuur ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Xukuumadda RW Xamse, waxaana loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud.

Wasiir Cilmi oo ka mid ahaa Xisbuga UPD ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay usoo noqday Wasiirka Maaliyadda, iyadoo uu noqday Wasiirkii u horreeyay ee seefta xil ka qaadista ay qaaday.

Ad
Previous articleDeni oo U yeeray Xilibaanada Labada Gole ee Puntland laga Soo Doortay
Next articleXamse Cabdi Barre oo Qaaday Talaabo Deg Deg ah oo Mooshinkiisa Ku Daminaayo