Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Qaraxyada oo is xig-xigay ayaa si gaar ah uga dhacay waddada laamiga, gaar ahaan dalcadda degmada Kaxda, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada ay ahaayeen labo, ayada oo nuucooda lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso.
Khasaare badan ayaa lasoo wariyay oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo askar ku sugnaa goobaha la qarxiyay.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay