Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH:Masuul Ka Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir oo Si Hoose...

WAR DEG DEG AH:Masuul Ka Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir oo Si Hoose ula Shaqaynaayay Alshabaab oo U Baxsaday Deegaanada Alshabaab ay Maamusho

0

Warar Dheeri ah ayaa Kasoo Baxaaya Masuul Ka Tirsabaa Maamulka Gobalka Banaadir Gaar ahaan Maamulka Degmada Hodan ayaa U Baxsaday Fhamka Deegaanada Ay Kooxda Alshabaab Maamusho.

Masuulkaan oo Lagu Magacaabo Abuukar Salaad oo Horay Usoo noqday Gudoomiye Kuxigeenkii Arimaha Bulshada Degmada Xamar Wayne iyo Degmada Hodan Gudoomiye Abuukar Salaad ayaana Dowlada Kusoo Biiray Sabadkii 2014 tii Todobadii Sano ee Lasoo Dhaafay ayuu Wuxuu U shaqaynaayay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Asagoona Maalmihii Danbe ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii Arimaha Bulshada Degmada Hodan inuu U baxdado Kooxda Alshabaab oo uu Si hoose ula Shaqaynayay ayaa Lagu Sheegay inay Sabab u tahay in Dhawaan Xabsiga Loo Taxaabay Agasimayaal iyo Gudoomiyeyaal Ka Shaqaynaayay Degmada Hodan kadib Markii la ogaaday inay Si Hoose Alshabaab ula Shaqaynaayeen.

Waraysi uu Bixiyay Ayuu Ku sheegay inuusan Caqiido ahaan aminsanayn inuu U shaqeeyo Dowlada Federaalka Soomaaliya Wuuna Sheegay inuu Dastuurka Soomaaliya ay Ku Jiraan Khaladaaf Badan oo Diini ah taas ayuuna Ku sheegay inay Sababtay in kooxda Alshabaab Dib ugu laabto.

Waa Markii ugu Horaysay Masuul Darajadiisu Halkaas Gaartay uu ku biiro kooxda Alshabaab Ama Isku Dhiibo Dowlada Soomaaliya ayaa Maalmahaan Danbe Masuuliyiin Badab Xabsiga Dhigay kadib Markii looga Shakiyay inay Alshabaab Si hoose ula Shaqeeyaan.

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayaa Dhawaan Toogatay Laba Sarkaal oo ka Tirsanaa Ciidanka Xooga Dalka Isla markaasna si Hoose Alshabaab Ula Shaqaynayay.

 

 

Ad
Previous articleDowlada Imaaraadka Carabta oo Dadka Wata Pasport Soomaaliga U Diiday Fiisaha Dal ku Galka
Next articleXildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta guddoon cusub doortay