Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Hanti Dhowraha Guud oo asna Danbiyo Culus kusoo Oogay...

War Deg Deg ah:Hanti Dhowraha Guud oo asna Danbiyo Culus kusoo Oogay Maxkamadaha Dalka

0

Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si deg deg ah uga jawaabay tallaabadi ay maanta qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir oo isaga ku eedeysay dambiyo culus.

Maxkamadda oo goor sii horreysay soo saartay warqad ayaa u yeertay Hanti-dhowraha, waxayna ku eedeysay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan Maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha Maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

“Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aan ku horimaan wayso Maxkamadda mudada ay kuu qabatay waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

Axmed Ciise Guutaale oo soo jawaabay ayaa isaguna eedo culus u jeediyay Maxkamadaha dalka oo ay xittaa ku jirto Maxkamadda Sare, wuxuuna tilmaamay in gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu is-hortaag ku sameeyey baarista u hoggaansanaanta sharciga, gaar ahaan warbixinta sanadlaha ah ee xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Sidoo wuxuu ku eedeeyay in Maxkamaddu ku kacday ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, ayna sameysay dayacaad shaqo.

Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale xusay in 2023-kii uu fal-dambiyeed lunsi hanti dadweyne ah iyo musuq maaliyadeed uu ka dhacay Maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Maxkamadda degmada Waabari ay sanadkii 2024-kii furatay koonto ka baxsan qasanadda mideysan ee dowlada, taas soo lagu qabtay lacag dhan 21,922.26, kana baxsan dakhlida adeegga kasoo xarooda.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Jabuuti oo ku Guulaystay Tartan Adag oo Ka dhacay Midowga Africa
Next articleDagaal dad lagu laayay oo ka dhacay Dukeedka Dhuusamareeb