Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Axmed Madoobe oo Ka Duulay Muqdisho Wacadna Ku Maray...

War Deg Deg ah:Axmed Madoobe oo Ka Duulay Muqdisho Wacadna Ku Maray Inuuu…

0

Madaxweynaha Jubaland Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa La xaqiijiyay inuu Goordhawayd Ka Duulay Garoonka Muqdisho Aadayna Magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku Meel Gaarka ah ee Jubaland.

Axmed Madoobe Ayaana Goordhow Raacay Diyaarada Dad Shacab ah Qaadaysay oo Kuwa Wajahnayd Magaalada Kismaayo Tan ayaana Daliil u ah inuu Gabi ahaanba Fashilmay Shirkii Golaha Wadatashi Qaran ee Muqdisho Kasocday.

Axmed Madoobe ayaana Diiday inuu Dalku Xiligaan aado Doorasho Qof iyo Cod ah Islamarkaasna wacad Ku Maray inuu Qabsan Doono Doorasho ku Shubasho ah Sidii Horay Loogu Yaqaanay.

Bixitaanka Axmed Madoobe ayaana Dhabar jab wayn ku ah Madaxweyne Xasan Shiikh oo Horay U lumiyay Maamulka Puntland Haatana Gacantiisa ay Ka baxday maamulka Jubaland.

Sidoo Kale in Axmed Madoobe Qabsado Doorasho Waxay Dhabar jab kale Ku Tahay Qoor Qoor, Lafta garen oo Mudo Kordhin Sugaayay iyo Cali Guudlaawe oo waqti Yar U haray.

Dowlada Soomaaliya ayaa La Filayaa in Maantay ay Soo Saarto War Saxafadeed Ku Saabsan Shirkii qabsoomay iyo Waxa Lagu kala tagay Beesha Caalamka ayaana Shirkaan Indhaha Ku haysay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleShiikh Sharif Khayre iyo Cabdiraxman Cabdishakur oo La Saftay Axmed Madoobe
Next articleXaflad Saxiixa Dhismaha Dekada Hobyo oo Ka socota Muqdisho