Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed WAR DEG DEG AH:Al-Shabaab oo dagaal Culus kula wareegtay deegaanka Goofgaduud ee...

WAR DEG DEG AH:Al-Shabaab oo dagaal Culus kula wareegtay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay

0

Wararka ka imaanaya gobalka Baay ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Goofgaduud oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka militariga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka waxa uu u dhaxeeyay kooxda Al-Shabaab oo weerar kadis ah ku qaaday xarunta ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee Goofgaduud.

Ilaa hadda, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Goofgaduud.

Goobjoogeyaal ku sugan deegaanka Goofgaduud oo sababo amni magacooda u diiday in ay shaaciyaan ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda ay ka baxeen fariisinkooda Goofgaduud, halkaas oo ay la wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Ka bixitaanka ciidanka dowladda ee xerada Goofgaduud ayaan la ogayn in ay tahay xeelad dagaal iyo in laga itaal roonaaday. Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalkan.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda oo aan khadka telefoonka ay kula xiriirtay ayaan ka jawaabin.

Xabbadda ayaa qabowday fiidnimadii caawa, waxaana hadda lagu soo warramayaa in Al-Shabaab ay gubayaan teendhooyinka ciidanka ay seexanayeen iyo agab kale oo halkaasi yaalla.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWaa kuwee dalalka oggol in la gubo kitaabka Qur’aanka ah?
Next articleBooliiska Muqdisho oo soo bandhigay saddex eedeysane iyo Dambiga ay galeen oo…..