Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo ku Hanjabay Hadaan...

War Deg Deg ah: Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo ku Hanjabay Hadaan 24 saac Gudahood..

0

Xildhibaano iyo Wasiiro ka soo jeeda Beelaha D&M oo shir ku yeeshay Xarunra Villa Hargeysa ayaa waxay isla garteen tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu magacaabi waayo xilka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad oo matala Beesha Raxanweyn.

Xubnahan ayaa sheegay inay yihiin canshuur bixiyayaal, qeybta ugu weyn ay ka yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha ciidanka qalabka.

Beesha Raxanweyn ayaa xilligii dowladdii KMG waxay laheyd xilka Ra’iisul Wasaare Kuxigeen lagu dheeli tiri jiray awood qeybsiga, maadaama dalka uu xilligaas uu lahaa saddex Ra’iisul Wasaare kuxigeen, balse muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la baabi’iyay dhowrka Ra’iisul Wasaare Kuxigeen.

Ad
Previous articleTurkiga oo Shaaciyay in Bisha Soosocota ay Bilabaayaan Soo saarista Shidaalka Soomaaliya
Next articleWaa Kuma Sheekha Maantay Geeridiisu Gilgishay Guud ahaan Dhulka Soomaalida?