Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia hogaamin doona afarta sanadood ee soo socota ka dib markii wareegii ugu dambeeyey ee doorashada uu codad badan kaga guuleystay musharaxii la tartamayey oo ah Madaxweynaha xilka haya ee Somalia Farmaajo.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa helay codad ka badan kuwa Farmaajo waxaana magaalada Muqdisho ka socda damaashaadyo waaweyn oo lagu soo dhoweynayo doorashada, waxaana la ridayaa rasaas badan oo lagu dabaal degayo.
Waa markii labaad ee Xassan Shiikh ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Somalia.
Xassan Shiikh ayaa loo doortay Madaxwynaha dalka bishii Sebtemper ee sanadkii 2012, isagoo bishii Febraayo sanadkii 2017 xilka ku wareejiyey Madaxweynaha talada haya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda markiisa xilka ku wareejinaya Xassan Shiikh.
Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo
Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay