Ciidamada amniga dowladda ayaa soo fajaray howgalkii ka socday gudaha hoteelka SYL.
Ciidamada ayaa dilay dhamaan kooxdii gudaha u gashay hoteelka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ahaayeen ilaa 3 xubnood kooxda weerarka ka waday gudaha Hoteelka.
Weerarkaan ayaana Qaatay Saacado Badan Kadib Markii Qarax lagu Dhawaacay Taliyihii Haramcad Fanax kaas oo Inta Badan Xili Hore Soo Afjari jiray Weerarada Alshabaab Ku Qaadan Hotelada Muqdisho.
Xili Danbe ayaa La sheegay inay Howlgalka la Wareegeen Ciidamada Alfagroup kuwaas oo Ugu Danbayn Goordhow Soo Afjaray Weerarkii Hotel Syl.
Dad badan ayaana Su,aalo iska Waydiinaaya Sida ay kusuurta Gashay inay Rag Hubaysan Galaan Hotel kasoo Horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya oo si Wayn loo ilaaliyo.
Ad