Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: War-murtiyeed laga soo saaray shirka Xasan iyo maamullada...

War Deg Deg ah: War-murtiyeed laga soo saaray shirka Xasan iyo maamullada iyo Mudo Korarsi Lasamaystay

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

War-murtiyeedkan oo ka kooban Afar qodob ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

Golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran;
GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)

WAR-MURTIYEED

1. Hordhac
Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho 14-17 May 2024. Shirka waxaa kasoo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane YuusufXuseenJimcaale (Madaale).

GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya dhinacyo badan oo xaalada dalka ah. Sidoo kale GWQ wuxuu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, dhameystirka Dastuurka KMG, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta, saameynta roobabka iyo qodobo kale.

2. Warbixinno
GWQ wuxuu warbixin balaaran ka dhagaystay Hoggaamiyaha ku-meelgaadhka ah SSC­ Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, hoggaamiyaha oo golaha uga warbixiyay xaaladaha amni iyo bulsho ee SSC-Khatumo.

GWQ wuxuu Xafiiska Aminga Qaranka ka dhagaystay warbixin qoto-dheer oo ku saabsan guushii laga gaadhay cunaqabtayntii mudada 32 Sano ah saarnayd dalka, sidoo kale Xafiiska Aminga Qaranka wuxuu goloha uga waramay masuuliyada maaraynta hubka, khataraha qaranku waajahayo, iyo qorshaha dowlada ay dajisay kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

GWQ wuxuu Taliska Ciidanka Xooga dalka ka dhagaysatay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha dalka looga sifaynayo Khawaarijta

Ad
Previous articleItoobiya oo si weyn uga carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka
Next articleXasan shiikh oo Madax Maamul Gobileedyada Marsiiyay Dalkaan inay Ka Dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah(Akhriso)