Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Soomaaliland oo Dalab Deg Deg ah Caalamka Udirtay

War Deg Deg ah: Soomaaliland oo Dalab Deg Deg ah Caalamka Udirtay

0

Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay hubka Masar ay maanta soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay ku tilmaamtay mid curyaaminaya xasiloonida gobolka ee markii horeba ay dhibaatada ka taagnayd.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa caalamka loogu baaqday qaadista tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo halista ka dhalan karta hubkii ay Masar soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya.

“Ficillo deg-deg ah oo la qaadaa waxa ay muhiim u yihiin in aanay ballaadhan qul-qulatooyinka iyo in gacanta lagu qabto xasiloonida gobolka ee aan cagaha adag ku taagnayn,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ay si adag uga digtay hubka culus iyo saanada millateri ee Masar ay soo gaarsiisay Muqdisho oo ay sheegtay “inuu tahli karin inay si wax ku ool ah u maamusho hubka gacanta loo geliyay xilli ay xaaladda uga sii dari karto hubka culus ee Muqdisho la siiyay.”

Sidoo kale waxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ay sheegtay in kooxaha kala duwan ee ka jira Soomaaliya ay raadinayaan inay gacanta ku dhigaan hub ay ku ilaaliyaan maslaxadooda, iyadoo muujisay walaaceeda in hubkaasi u gacan galo kooxaha xagjirka ah ee ay kamid tahay Al-Shabaab iyo malleeshiyo beeleedyada, taasi oo sii murgin karta rabshadaha iyo xasilooni darrada gobolka.

“Waxaa beesha caalamka ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin lagaga hortagayo walaacyada ka dhashay hubkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland, oo sidoo kale lagu xusay in tallaabooyinka ka hortaga ah ay muhiim u yihiin si looga baaqsado inay xarkaha goosato colaaddu, ayna u wanaagsan tahay ilaalinta iyo xoojinta xasilooda mandaqada.

Ugu dambeyntiina waxaa qoraalka lagu sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay xoojinta nabada, iyaddoo ku boorisay dhinacyada ay khusayso oo dhan inay masuuliyadooda ka gutaan inta aanay xaaladdu gaarin heer aan waxba laga qaban karin.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo War Lama Filaan ah Kasoo Saaray Hubii Dhawaan Soo Galay Deegaanadooda
Next articleDeni oo Caawa Ku dhawaaqay inuu Meel Fagaare ah Kula Gardhiganaayo Xasan Shiikh