Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig kooxda Alshabaab ku laheed dhul howd ah oo u dhaw Deegaanka Cali Yabaal oo hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Dagaal xoogan ayaa ka socday Deegaanka Cali Yabaal waxaana Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii Alshabaab saldhiga u aheed.
Sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka dagaalka oo bilaawday saakay aroortii ayaa ilaa iyo hadda socda,waxaana Alshabaab lagu gaarsiiyay jab xoogan.
Kooxda Alshabaab oo isku day-day in ay difaacdo saldhiggaas oo muhiim u ahaa ayaa ugu dambeeyn cagta la mariyay oo laga saaray,waxaana hadda xabadu kasii dhaceeysaa dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo Cali Yabaal iyo Cowswayne.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa maalin walba baadi-gooba xubnaha ka tirsan Alshabaab ee ku dhuumaaleeysanaaya dhulka howdka ah,kuwaas oo hadda noqday qaar la dilay iyo kuwa nolosha lagusoo qabtay.