Madaxweyne Qoor Qoor oo safar degdeg ah Kasoo Galay Dhuusamareeb ayaa Goordhow Gudaha U galay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ku Taala Muqdisho Marykanka iyo guud ahaan Beesha caalamka ayaana Walaac Xoogan Ka qabta Hubka Intaas la eg oo gacanta Ugalay dad Shacab iyo Maleeshiyaad ah.
Hubkaan Gacanta Ugalay Shacabka Iyo Maleeshiyaadka ayaa Kusoo aaadaya Xili Dhawaan Soomaaliya Cunaqabtaynta Hubka Laga qaaday Waana fadeexad Culus oo Ku Habsatay Dowlada Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh.
Hubkaan ayaana La xaqiijiyay inuu Ku wajahnaa Qaybo ka Mid ah Galgaduud iyo Shabeelada Dhexe Sidoo kale Xasan Shiikh iyo Qoor Qoor ayaa La sheegay inuu Ka dhex Qarxay Khilaaf Salka Ku haaya Hubkaan la Boobay.
Maraykanka Iyo caalamka ayaana Su’aalo ka waydiin Doona Qoor Qoor Sida ay ku dhacaday arinkaan iyo Waxa Galmudug kala Socotay Soo Galista Hubkaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa iyana Maantay Wafdi Udirtay Magaalada Caabudwaaq Si ay ugaaska Beeshaas ugala hadlaan Sidii Hubkaan Loosoo celin lahaa Dowlada ayaan Dadaal iyo Xoog kasta Ku bixinaysa Sidii ay Ubadbaadin lahayd Sharafkeeda.
Fadeexada Ugu wayn ayaana ah in Markii Hubkaan la Boobaayay ay Dowlada Soomaaliya Galbinaysay Gaar ahaan ciidamada NISA oo Dagaall Culus lagalay Maleeshiyaadka Hubka Boobay.