Qarax xoogan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Koontaroolka laga ilaaliyo Madatooyada.
Sida aan wararka ku helay qaraxan xoogan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ee yaala isgooska Sayidka.
Warar horu dhac ah aan helnay ayaa sheegaya in gaariga qarxay oo nuuciisu NOAH ahaa ayaa xoog kusoo dhaaftay Isgooska Dabka, waxaana gaarigan oo ciidamada rasaas kasoo daba rideen ugu dambeyn ku qaraxday koontaroolka Sayidska.
Waxaa lasoo sheegayaa in qaraxan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa booliiska.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug
Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo
Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo
Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad